Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Dilka Saraakiisha & Aqoonyahanada waxaa fuliya Soomaali u adeegta Shisheeyaha (Xog rasmi ah)


Qeybtii 3-aad

Cid kasta oo ka dambeysaba shirqoolada lagu ugaarsanayo saraakiisha maamulka, ciidammada, culimada iyo dadka indhaha bulshada ah waa mid taariikh fog leh oo aan billaaban wixii ka dambeeyey burburkii dowladdii dhexe, inkastoo ay kala duwan yihiin qaababka la isticmaalayo marka la fulinayo ugaarsigaasi, sidoo kalena sida iminka oo kale uma badnayn dilalka shirqoolka ahi waqtiyadii hore. (Sii akhri)

Haddii aan dib u jalleecno qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugaarsiga ee lagu dilay ama lagu qaarajiyey dad aan waxba galabsan waxaa taariikhda lagu hayaa in xilligii ay dalka ka socdeen dagaaladii lagula jirey dalalkii reer Yurub ee gumeysan jirey Soomaaliya si shirqool ah lagu dilay qaar ka mid ah waddaniyiintii ku howlanaa sidii ay gumeysiga dalka uga xoreyn lahaayeen.

Sagaal sano kaddib qaadashadii xornimada oo ku beegnayd bishii oktoober 1969-kii waxaa gaadmo lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmarke, isagoo ku guda jirey booqasho uu ku marayey qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo shirqoolka dilkaasi uu fuliyey mid ka mid ahaa ciidammadii Ilaalada ahaa ee la socday Madaxweynaha, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay cidda ka dambeysay shirqooka askarigaasi fuliyey, waxaana taladii dalka la wareegay ciidammadii qalabka siday oo afgembi aan bilowgiisii hore dhiig ku daadan ku qabsaday talada dalka, hase yeeshee tallaabadii 1-aad ee ay qaadeen ay noqotay inay xabsiyada ka buuxiyeen qaar ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidammada iyo kuwii maamulkii dowladii rayidka ahayd, sidoo kalena muddo gaaban kaddib waxa ay goob fagaare ah ku soo xireen isla markaana toogasho ku dileen 3 ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee ciidammada oo lagu eedeeyey inay qorsheynayeen afgembi, hase yeeshee cadeyn rasmi ah la isma weydiin karin, waxayna dadka qaar ku fasiraan in tallaabadaasi ahayd "Weysha gowrac, Dibi ha ku quus-qaatee", taas oo micnaheedu yahay in dadka lagu cabsi geliyo dilka saraakiishaasi si loo waayo koox ama beel dowladda ka hor timaadda ama talada soo hawaysata.

Tallaabadaas waxaa xigay tobaneeyo ka mid ah culimada diinta oo ka hor yimid qaabkii sinnaanta ragga iyo dumarka ee dowladdii milaterigu ku dhawaaqday oo ay culimadu si cad u sheegeen inay xadgudub diineed tahay, hase yeeshee jawaabtii waxay noqotay in iyagoo gacmaha ka xiran la soo taago fagaaraha dugsigii tababarka booliiska ee magaalada Muqdisho isla markaana ay si daran-doorri ah rasaas ugu furaan cutubyo ka tirsanaa ciidammada dowladda, falkaas oo baal madow ka galay taariihda maamulkii dowladda.

Wixii ka dambeeyey dhacdooyinkaas waxaa qeybo ka mid ah dalka ka bilowday dhaqdhaqaaqyo isugu jirey siyaasad iyo qabiil, kuwaasi oo sababay in shirqool ama gaadmo ay isaga dilaan beelaha Soomaalida qaarkood tiro dad ah, arrimahaasi oo u xuub-siibtey in ay abuurmaan jabhado qabiil ku dhisan oo mucaarad ku ah dowladda, kuwaasi oo dabada la galay dalka Itoobiya oo ay cadow isku ahaayeen dowladdii Soomaalida, waxaana laba-kacleeyey dilal aad u fool xun oo ay geysteen labada dhinac waa dowladda iyo mucaaradka labadaba, kuwaasi oo si dadban iyo si toos ahba u laayey dad waxtar u ahaa bulshada, iyadoo aan ka xusi karno falalkii ugu waaweynaa ee ciidammada dowladdu geysteen:

1. Dagaalo si aan kala sooc-laheyn loogu qaaday qaar ka mid ahaa beelaha dega gobolaha bartamaha iyo waqooyi bari ee dalka, kuwaasi oo tacaddiyo kala duwan loogu geystay shacab badan iyo weliba saraakiil & aqoonyahano xabsiyada laga buuxiyey.

2. Waxyeelo aad u weyn oo ciidammadii dowladda oo adeegsanaya dabaabaadka dagaalka oo ay ka mid ahaayeen diyaaradaha wax duqeeya ay u geysteen shacabkii degganaa gobolada waqooyi galbeed, kuwaasi oo duqeyntooda ay ka qeyb-qaateen duuliyeyaal calooshood u shaqeystayaal ajnabi ahaa oo dowladdu soo kireysatay.

3. Kaddib bannaanbax maalin jimce ah ka dhacay qaar ka mid ahaa Masaajidyada magaalada Muqdisho sanadkii 1990-kii oo ciidammadii dowladdu ay goor habeen ah guryahoodii ugu dhaceen tiro aad u badan oo dhallinyaro ardey u badnayd, kuwaasi oo si hayb-sooc ah loo soo uruuriyey kaddibna lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee koonfur galbeed magaalada Muqdisho, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyey ay faraha ka baxeen xadgudubyadii ay shacanbka u geysanayeen dhinacyadii dagaalamayey, taasi oo soo dedisay burburkii dowladdii dhexe. Waxaana barbar socday tacaddiyada aan kor ku soo xusnay ee ciidamamda dowladdu geysteen falal la mid ah oo ay geysanayeen kooxaha mucaaradka ku ahaa dowladda oo dhankooda ku howlanaa dilal la mid ah kuwa ciidanka dowladdu geysanayeen.

Bishii janaayo sanadkii 1991-kii markii Jabhadihii qabaaílka ku dhisnaa iyo dowladdii keli-taliska ku dhisnayd ay isku fara saareen gudaha magaalada Muqdisho waxaa bilowday dilal aad u fool xun oo loo geystay aqoonyahano aad u badan, saraakiil maamul iyo kuwo ciidan, ganacsato, odayaasha dhaqanka, dhallinyaradii iyo cid kasta oo bulshada ka mid ahayd, kuwaasi oo qaab qabiil loo ugaarsanayey, dalkiina waxaa kala xir-xirtey jabhado qaab beeleed ku dhisnaa, kuwaasi oo ilaa maanta marba weji cusub ku howl-gelaya, falalkaasi oo ay xigeen dagaaladii la magac baxay 4-ta bilood ee Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo shacabkii lagu laayey madaafiicda ka sokow sababay dilal ugaarsi ah oo lagu laayey boqolaal ka mid ahaa indhaha bulshada, iyadoo dilkooda lagu baneysanayey qabiilka ay ka soo jeedaan oo keli ah.

Haddii aan u soo laabano dilalka qorsheysan ee sanadihii ugu dambeeyey lagu qaarajiyey tiro aad u badan oo ka mid ah indhaha bulshada Soomaaliyeed, dilalkaasi kuma koobneyn oo keli ah saraakiisha iyo aqoonyahanka caadiga ah oo ee waxaa kaloo jirey dilal qorsheysan oo loo geystay qaar badan oo ka mid ahaa siyaasiyiintii kooxaha isku haysta talada dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan ka xusi karno:

1. Cabdalla Deerow Isaaq oo ka mid ahaa Baarlamaankii dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee uu hoggaamin jirey Col. Cabdullaahi Yuusuf. Cabdalle Deerow waxaa gaadmo lagu dilay isaga oo ka soo baxaya Masaajid ku yiil magaalada Baydhabo oo uu ku soo tukaday salaaddii jimacaha.

2. Maxamed Cusmaan Maye oo isaguna ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda kumeelgaarka ah ayaa gaadmo lagu dilay.

3. Inj. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ahaa Xildhibaanada dowladda kumeelgaarka ah isla markaana ka mid ahaan jirey hoggaamiye kooxeedyadii hubeysnaa ee magaalada Muqdisho ayaa goor galab ah oo dagaalo ka socdeen magaalada Muqdisho waxaa lala beegsaday rasaas uu u geeriyooday.

4. Ibraahim Sebriye Shaaweey oo Guddoomiye Ku-Xigeen ka ahaa maamulka gobolka Banaaadir ee hoos tegayey dowladdii Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu qaarajiyey miinada dhulka la geliyo ee meelaha fog-fog laga hago xilli uu marayey mid ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

5. Cabdiraxmaan Waldiire oo ka mid ahaa siyaasiyiinta gobollada jubbooyinka ayaa isaga lagu qaarajiyey magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayeen maamul Islaami ah oo hoos taga Ururka Al-Shabaab.

6. Jeneral Axmed Jilicow oo ka mid ahaan jirey saraakiishii ugu sarreysay ciidammadii nabad-sugidda dowladdii hore ee Maxamed Siyaad madaxweynaha ka ahaa ayaa si gaadmo ah lagu toogtey isagana waqooyiga magaalada Muqdisho.

7. Saraakiil kala duwan, Siyaasiyiin iyo Oadayaal dhaqanka oo ku sugnaa hoteel ku yaal magaalada Beledweyne ayaa lagu laayey qaraxyo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, saraakiishaasi oo uu ka mid ahaa Col. Cumar Xaashi Aadan oo wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa dowladda uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, iyadoo dilalka saraakiisha dowladda iyo siyaasiyiinta aan ku soo xireyno qaraxii hoteel Shaamo ee 3-dii december 2009 lagu laayey dad aad u badan oo ay ka mid ahaayeen 4 Wasiir oo ka tirsanaa dowladda Kumeelgaarka ah, Dhaqatiir kala duwan, Ardey Jaamacad ka qalin-jebineysay iyo dad kale oo badan.

La soco qeybta 4-aad ee qormooyinka aan ku soo bandhigeyno Saraakiisha iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee sida joogtada ah loogu ugaarsanayo dalka gudihiisa, iyadoo qofkii maclumaad ka haya arrimahaasi uu noogu soo diri karo emailka: www.somaanta@hotmail.com



 

pppppp