Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Dr. Warsame: Qaaxadu waa cudur dilaa ah, laakiin la daaweyn karo "Weyddii dhakhtarka" 

Dr. Cabdullaahi Warsame waa dhakhtar ku takhasusay cudurada gala baadinka (uur-kujirka) sida wadnaha, sambabka, caloosha, beerka, dhiigga, infekshinka, kahsiga (xasaasiyadda) iwm. Wuxuu hadda ka howlgalaa isbitaalka jaamacadda ee Linköping, Sweden. Wuxuu kaloo dhaktarku haystaa shihaadada PhD in Medicine taasoo u suurtogalineysa inuu marmar casharro ka bixiyo jaamacdda Karolinka University, Stockholm, halkaasoo uu cilmibaaritaanno ka wado.

Dhakhtarka waxaa ka waraysannay cudurka qaaxada oo ka mid ah cudurada sida aadlka ah ugu dhaca dadweynaha dunida, gaar ahaan Soomaalida. Waraysiga waxa uu u dhacay sidatan:

Suáal: Dr. Warsame faahfaahin guud naga sii waxa uu yahay cudurka qaaxada (TB)?

Dr. Warsame: Waa cudur ka yimaada ama ay sabab u tahay bakteeriya (jeermis) loo yaqaan Mycobakterium tuberculosis oo dhaawac u geysata inta badan sambabada, laakiin waxay kaloo ku faafi kartaa xubnaha kale sida qanjirrada, kalyaha iyo lafaha.

Suáal: Sidee u faafaa cudurkaani?

 Dr. Warsame: Wuxuu jirka ka soo galaa inta badan neef-mareenada marka la neefsado hawo ay ku jirto jeermiskaasi dhaliya cudurkaan. Bakteeriyadu inta badan waxay ku kortaa jirka si tartiib ah sidaas owgeed qofka markiiba sooma ridato ee way daahdaa. Waxaana jira dad badan oo bakteeriydaani ku jirto laakin aan cudurku weli ku dillaacin. Waxaa inta badan isqabadsiiya cudurkaan dadka isku meel ku nool oo nolosha wadaaga. Laakiin ogow waqtiga jeermisku uu aad u kacsanyahay cudurku waa u gudbi karaa dadka kale oo aan nolosha wada wadaagin marka bukaanku uu qufaco. Dadka difaaca jirkooda yaryahay ama tabarta daran waxaa cudurkani ugu faafi karaa si sahlan.

 Suáal: Sidee lagu gartaa cudurkaani?

 Dr. Warsame: Cudurka qaaxadu wuxuu u badanyahay kan sambabka gala waxaana lagu gartaa:

a) Qufac (qunfac) badan oo xaako wata marna dhiig.

b) Xummad ama feeber.

c) Dhidid badan oo habeenkii ah.

d) Caatoobid (weydnino).

e) Iyo qaar kale oo ka yimaada xubnaha kalee jirka (markii ay faafto qaaxadu).

 Suáal: Sidee loo baaraa cudurkaani?

 Dr. Warsame: Qofka marka lagu arko astaamaha aan hore u soo sheegay waa baaritaan deg-deg ah la sameeyaa. Baaritaanku waxaa uu ku billaamanayaa in dhaqtarku ku sameeyo bukaanka baaritaan jirka sida dhageysiga sambabka iwm. Baaritaanka kale waxaa ka mida; raajo iyo shaybaar, sida dhiigag iyo xaako oo kale.

Qofka qaaxada lagu helo waa in dadka uu la noolyahay oo dhan la baaraa waxaana ku filan in la eego falcelis (re-action) maqaarka islamarkaasna la saaro raajo sambabka.

 Suáal: Sidee loo daweeyaa qaaxada?

 DR. Warsame: Daawada qaaxadu waxay ka kooban tahay kaniiniyo kala nuuc ah oo afar ah in lagu billaabo daweynta. Ugu dambeyntii waxaa soo hara labo nuuc oo bukaanku sii wadayo ugu yaraan ilaa 6 bilood. Waxaa loogu daraa kaniini fitamiin ah waxaana muhiim ah in lala socdo caafimaadka bukaanka oo dhiigag la qaado inta daaweyntu socoto. Sidoo kale miisaanka jirkiisa hadba la eego. Waqtiga ugu horreeya waa in bukaanka lagu hayaa qol u qaas ah isbitaalka dhexdiisa si loo karaantiilo qiyaastii labada isbuuc ee hore, kaddibna qofku gurigiisa ku soo laabto iyadoo aan laga baqeyn sii gudbinta cudurka maadaama daweyntu billaabatay.

 Suáal: Yaa ugu badan oo uu ku dhacaa cudurkaan?

 Dr. Warsame: Cudurkaani wuxuu ka jiraa adduunka oo dhan wuxuuse aad ugu badanyahay qaasatan qaaradda Afrika. Adduunka waxaa la qiyaasaa in 10 milyan oo qof lagu arko cudurkaan waxaana sanadkii u dhimata 3 milyan oo qof.

 Suáal: Cudurkaani soo kuma badna Soomaaliya?

 Dr. Warsame: Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha cudurkani sida baán (xun) uga jiro. Si sahal ahna waa u faafi karaa maadaama dadku si ciriiiri ah u wada noolyihiin. Waxaa kaloo arrinta ka sii daraysa baaritaan sax iyo daaweyn sax oo aan waddankeennii ka jirin.

 Suáal: Haddii dawo jirto bukaanku sidii loogu talo-galay ma u qaataan?

 Dr. Warsame: Taasi waa qiso dheer oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Haddii aan wax yar ka taabto taas; Dadkeennu waxay marka horeba u arkaan i jirradaani ceeb tahay waaney qarsadaan. Haddii daweynta loo billaabo waxaa dhacda in dadka qaarkiis aysan u qaadan dawada sida loogu talo galay iyo waqtigii loogu talo galay. Taasi waxay keeni kartaa in dib dambe loo daweyn waayo bukaankaas sababatoo ah bakteeriyadii oo iska-caabin sameyneysa kaddib markii dawadii la kala gooyay iydoo bakteeriyadii la dabargoyn.

 Suáal: Ma ceeb baa qaaxadu mise waa cudur, maxay bukaanku u qarsanayaan?

 Dr. Warsame: Jirro ceeb ma ahan ee waa wax qaddar Alle ku yimid. Laakiin taarikh ahaan Soomaalidu waligeed ceeb ayey u arkaan ama ka dhigtaan qaaxada waaney isku habaartaa oo isku caysaa – Matalan waxaa ka mida; tiibijo ku dishay, qaaxo ku dishay, tiibijoole, qofkaasi waa caatoobay sida wax tiibijo/qaaxo qaba, iwm.

 Suáal: Datoore, ugu dambeyntii maxaad talo ahaan ka bixineysaa cudurkaan?

 Dr. Warsame: Cudurkaani waa cudur la daweyn karo haddii bukaanku u qaato sidii iyo waqtigii loogu talo galay daaweynta. Waa la is qabadsiiyaa cudurkaan waana dilaa haddaan la iska daaweyn. Sidaas darteed qofka cudurkaan qabaa waa inuu ogaadaa qofka ugu horreeya ee uu qabadsiinayo inuu yahay cidda uu dadka ugu jecel-yahay sida xaaskiisa/ninkeeda iyo ilmaha ama walaalaha ay wada nool yihiin. Sidaas owgeed waa in arrintaas lagu baraarugsanaadaa. Caruurta waa in laga tallaalaa TB marka ay dhashaan ama yar-yar yihiin, waana muhiim in bukaanku qaato talooyinka dhakhtarkiisa.

Dhammaad

Waxaa Waraystay Tifaftiraha

FG: wixii suáalo ah waxaa lagu soo weydiin karaa dhakhtarka emalka: www.somaanta.com

pppppp