Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


 

 

Dr. Cabdullaahi Warsame waa dhakhtar ku takhasusay cururadda gala baadinka (uur-kujirka) sida wadnaha, sambabka, cloosha, beerka, dhiigga, infekshinka, kahsiga (xasaasiyadda) iwm. Wuxuu hadda ka howlgalaa isbitaalka jaamacadda ee Linköping, Sweden. Wuxuu kaloo dhaktarku haystaa shihaadada PhD in Medicine taasoo u suurtogalineysa inuu marmar casharro ka bixiyo jaamacdda Karolinka University, Stockholm, halkaasoo uu cilmibaaritaanno ka wado.

Dr. Cabdullaahi, waxaanu ku waraysannay boggeenna caafimaadka ee la magic baxay ”WEYDII DHAKHTARKA”, iyadoo waraysigaasi uu dhakhtarku noogu faahfaahinayo waxyaabaha asal ahaan laga sameeyo waxa loo yaqaan UUNSI ee ay Soomaalida badankeedu u isticmaasho carfinta guryaha, hase yeeshee dhakhaatiirta caafimaadku xaqiijiyeen dhibaatooyin aad u badan oo uu caafimaadka dada u geysan karo Uunsigu. Waraysiga waxa uu u dhacay sidatan:

Suáal: Datoore, Uunsiga asal ahaan maxaa laga sameeyey, maxaase loo isticmaalaa?

Uunsigu waa wax dad badan oo Soomaaliyeed ay guryahooda ku shidaan iyagooo ula jeeda iney ku carfiyaan. Run ahaantii waxyaala laga sameeyo uunsigu wey kala duwanyihiin waxaase inta badan ku jira;

a. Cadaro kala nuuc ah oo iyagu carafta looga danleeyahay.

b. qori-cuud oo qiica keena waxoogaana soo carfa.

c. sokor oo loo isticmaalo iney isku dhajiso (kooleyso) waxyaalihii la isku daray.

d. ciddiyo ama cijiyo oo laga helo xeebaha. Iwm.

Suáal: Maxaa dhibaato caafimaad ah oo uu keeni karaa?

Dr. Warsame: Dhibaatooyinka caaficimaad ee uu keeni karo waxaa ka mida xaasaasiyad (allergy) ay ka qaadaan dadka qaarkii, taasoo keeni karta in jirka wax kasoo yaacaan. Waxaase ugu dhib badan inuu dhinaca neefmareenka wax u dhibi karo khaasatan dáyarta soo korreysa iyo dadka waayeelka ah. Waxa Uunsigu uga sii daraa dadka neefta iyo sanboorka qaba. Waxaa kaloo loo maleynayaa inuu dareenka urka ee qofka wax u dhibi karo.

Suáal: Waxyeello sida sigaarka oo kale ah ma leeyahay, maadama qiic badan ka baxo?

Dr. Warsame: Waxaa la ogyahay in sigaar-cabiddu ay wadnaha iyo sambabada u xuntahay maadaama xididada wadnahu iyo neefmareenadu ay xirmi karaan qiica (qaaca) sigaarka owgii, walow nikotiinka ku jira sigaarka uu dhibtiisa khaaska ah leeyahay. Qiica ka sokow waxyaalaha kale oo ku jira Uunsiga waxeey noqonayaan kiimiko u darran jirka iyo xubnihiisa oo dhan.

Suáal: Ugu dambeyntii maxaad kula talin lahayd Soomaalida isticmaasha Uunsiga?

Dr. Warsame: Bulshadeenna waxeey leedahay dhaqamo wanaagsan oo ka mid yihiin nadaafadda iyo udgoon-jaceylka. Uunsigu markii waddankeenna lagu shidan jiray qol baa lagu soo xiri jiray daydka/daaradda iwm inta badan Uunsigu ma soo gaari jirin bannaanka. Hawada waddeenka oo aad u wanaagsanna wey ku milmi jirtay. Markii waddamada adduunka loo kala dhoofay waxaa la yimid meelo cimiladu ay ka duwantahay tan darkening, Guryaha lagu noolyahay ay ka dhismo duwanyihiin kuweenni, Cimilada ka jirta sida waddamada yurub wey qaboodahay inta baddana daaqadaha/dariishadaha lama furo. Sidaas awgeed wixii qiica ah oo lagu shido wey ku jiraayaan. Waxaa dhaceysa in caraftii uu Uunsigu lahaa isku baddalayo ur la karaahsan karo. Darisku markaa wey dhibsan karaan. Waxaa intaa ka darran dharka ayuu urkaas karaahiyada ahi galayaa oo markii qofka guriga Uunsiga lagu shiday ku nool uu bannaanka u baxo ee uu dukaanka aado ama baska raaco waxaa aad u dhibsada dadka baska ama tareenka la raacaya Uunsilaha, haba ugu darnaadeen dadka aan Soomaalida ahayn. Ogow qofka Uunsigu ka soo urayo ma fahmayo isagu urkaas xun.

Suáal: Uunsiga faaíidada laga helayo & khasaaradiisa tee badan?

Dr. Warsame: Waxaa wanaagsan in wax kasta laga fakaro khasaaraha iyo faaiidadada ay leeyihiin inta aan la sameyn. Haddii Uunsigu adiga kula carfoonyhay dad baa dhibsanaya walibana waxaa dhimaneysa sumcadda marka qof Soomaali ahi baska ama tareenka looga dago sababo la xiriira waxa ka soo karaya qofkaas Soomaaliga. Dadkeennana waxaan ogahay in qumanuhu qoorta ugu jiro oo ay adagtahay in xitaa la fahaamsiiyo in Uunsiigu ur xun leeyahay marka uu dharka guriga galo Qiica iyo kiimikada ku jirtaahi waxey labuduba u darranyihiin caafimaadka. Sidaa owgeed waxaan ku talin lahaa in la yareeyo isticmaalka Uunsiga laguna baraagrugsanaado in ay jiraan dad badan oo kahsahsanaya Uunsiga, kuwaasi oo aan dhaqanahaan aqoon u lahayn, balse dareemaya oo keliya urkiisa.

Dhammaad

Waxaa Waraystay: Tifaftiraha

pppppp