Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


 ISDAAHIRINTA MUSLINKA

4. Suáal: Maxay kala yihiin wayso-buriye weyn iyo wayso-buriye yar?

Jawaab: Wayso-buriye weyn waa waxyaalaha waysada jebiya, isla markaana waajibiya maydhasho ee af-carabiga loo yaqaan "Xadath al-akbar". Laakiin wayso-buriye yar waa waxyaalaha waajibiya waysaysi keli ah ee af-carabiga loo yaqaan "Xadath al-asqar".

5. Maxaa la daahirinayaa?

Jawaab: Waxaa la daahirinayaa:

A- Jidhka

B- Maryaha la xidhanayo

C- Weelka la isticmaalayo iyo

D- Meesha lagu tukanayo.

6. Suáal: Maxaa wax lagu daahirinayaa?

Jawaab: Waxaa wax lagu daahirinayaa waxyaalahaan soo socda midkood:

A- Biyaha oo ah shayga asalka ah

B- Ciidda dhulka

C- Iyo Waxkasta oo nijaasta biín kara.

7. Suáal: Miyey jiraan wax aan biyo ahayn oo lagu daahirin karo nijaasta?

Jawaab: Haa, wax kasta oo daahira oo baabiín kara nijaasta iyo raadkeeda way daahirin karaan wax. Waxaa ka mid ah warqadaha, dhagxaanta, dhirta iyo bensiinka. Xitaa dabaysha iyo qorraxda iyo kiimikada lagu maydho jaakeedyada qaar, haddii ay baabiíyaan raadka nijaasta way daahirinayaan wax.

8. Suáal: Ma jiraan wax aan biyo ahayn oo la iskaga daahirin karo wayso-buriyeyaasha?

Jawaab: Haa, ciidda ayaa la isku daahirin karaa, haddii biyo la waayo ama adeegsiga biyuhu adkaado.

9. Suáal: Sidee ayey diintu u qiimaysaa nadaafadda ama dahaarada?

Jawaab: Diintu aad ayey u weynaysay nadaafadda, waxaana taas u daliil ah:

1. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: "Nadaafaddu waa iimaanka badhkii" Waa xadiis laga weriyey Abu Malik al-xaarith binuu Caasim al-ashcari oo ku qoran Saxeexul-musltimaha ka soo baxa cawrada dadka waaweynim.

2. Ebbe-na wuxuu yidhi: "Ilaahay wuu jecelyahay kuwa is daahiriya".

3. Salaadda oo ah tiirka koowaad ee qofka muslinka ah laga rabo, ma ansaxayso haddaanu qofku isdaahirin.

4. Qofku marka uu soo galayo islaamka waa in uu biyo isku daahiriyo oo maydho. Waa aayad Quráanka ku jirta.

5. Suuraddii 2aad ee Quráanka ugu soo hor degtay waxaa lagu amray Nebiga (SCW) inuu dharkiisa daahiriyo.

10. Suáal: Sidee ayey dahaaradu ku noqotay diinta badhkeed?

Jawaab: Dahaaradu waxay ku noqotay diinta badhkeed, sababtoo ah waxay u qaybsantaa laba qaybood:

A. Dahaarinta nafta iyo qalbiga

B. Iyo Dahaarinta jidhka

11. Suáal: Maxay kala yihiin dahaarada nafta iyo dahaarada jidhku?

Jawaab: Daahirinta "nafta iyo qalbigu" waa in la iska daahiriyo shirkiga iyo macsida, iyadoo la isku daahirinayo tawxiidka iyo camalka saalixa ah.Taasi waa iimaanka badhkii. (Shirki waa gaalnimo ka timid in la caabudo cid aan Alle ahayn. Macsi waa dembi oo ah in laga tago wax Alle faray ama la sameeyo wax Alle reebay. Camal saalix waa in wixii Alle amray la sameeyo, wuxuu reebayna laga tago, Alle dartii).

AMMUURAHA FIDRADA TOOSAN

12. Suáal: Waa maxay ammuuraha fidradu?

Jawaab: Ammuuraha fidradu way badan yihiin waxaana ka mid ah kow iyo tobankan arrimood:

1. In la cadaydo

2. Timaha hoose oo la iska xiiro (Timaha hoose waa cawrada dadka waaweyn hareeraheeda ama xubnaha taranka hareerahooda. Waxaa kaloo lagu magacaabaa; Shicirad ama Bisqin

3. Ciddiyaha oo la iska jaro

4. Timaha kilkillada oo la iska rifo

5. Shaarubaha oo la iska gaabiyo

6. Timaha gadhka oo la daayo

7. In la sandaarsado (Sandaarsi waa biyaha oo sanka lagu nuugo si sanka gudhiisa loo soo nadiifiyo, tusaale ahaan marka la waysa qaadanayo ama marka hurdada laga soo tooso.

8. In lagu dadaalo maydhidda xubnaha jidhka ee laabma iyo meelaha qarsoon.

9. In la luqluqdo.

10. In biyo lagu istijoodo (Istijo waa in biyo la isaga nadiifiyo kaadida iyo saxarada).

11. Iyo in la is gudo, gaar ahaan ragga.

13. Suáal: Ma jiraa wakhti xaddidan oo aan la dhaafin karin, samaynta amuuraha fidrada?

Jawaab: Haa, Qaarkood waa in afartankii cishoba la sameeyo ugu yaraan halmar. Qaarna maalin walba waa loo baahan yahay in lal sameeyo.

14. Suáal: Sheeg amuuraha fidrada ee afartankii cishoba ay tahay in ugu yaraan hal mar la sameeyo?

Jawaab: Waxa jira afar arrimood oo ay tahay in aanay qofka la dhaafin 40 cisho, waxayna kala yihiin:

A. Ciddiyaha oo la iska guro

B. timaha kikillada oo la iska rifo

C. Timaha hoose oo la iska xiiro

D. Iyo shaarubaha oo la iska gaabiyo

15. Suáal: Timaha kilkillada, ma in la rifo oo keli ah ayaa bannaan. Miyaan la xiiri karin?

Jawaab: Sida xadiiska Nebiga (scw) ku cad waa in la rifo. Wayse bannaan tahay si kasta oo aanay kugu dheeraan.

16. Suáal: Maxaa loola jeedaa xubnaha laabma ee maydhidda lagula dadaalayo?

Jawaab: Waxaa loola jeedaa laablaabada faraha gacmaha iyo faraha addimada iyo dhammaan meelaha jidhka ka mid ah ee wasakhda iyo usgaggu ku ururi karaan. Waxaa la doonayaa:

A. In biyaha waysadu wada gaadhaan meelaha loogu talo galay si ay salaaddu u ansaxdo.

B. In aan jeermis iyo caafimaad xumo ka dhalan usgagga ku urura xubnahaas laablaabma

C. In wasakhda meelaha laablaaban ee jidhka ku ururtay aanay ka soo bixin ur dadka dhibta.

4. Biyaha la isku daahirin karo

17. Suáal: Waa maxay biyaha la isku daahirin karaa?

Jawaab: Biyaha la isku daahirin karaa waa dhammaan noocyada biyaha ee kala duwan sida:

A. Biyaha cirka

B. Biyaha Barafka

C. Biyaha dhulka ka soo baxa

D. Biyaha Badda

E. Iyo Biyaha webiyada

18. Suáal: Biyaha mar la isticmaalay, haddii mar labaad la isticmaalo miyey wax daahirin karaan?

Jawaab: Haa, biyaha mar la isticmaalay sida biyaha lagu waysaystay ama lagu maydhay ee aanay wax nijaas ahi gaadhin waa daahir waxna way daahirin karaan.

19. Suáal: Ka warran biyaha muuqaalkoodu is beddeley kaddib markii ay ku darsantay wax nadiif ah oo kale, sida saabuun, caano ama sacfaraan iyo wixii la mid ah?

Jawaab: Haddii ay biyaha ku darsanto maaddo nadiif ah laakiin weli lagu tilmaami karo waxna way daahirinayaan. Haddiise ay biyihii dhalan rogmaan waxba ma daahirinayaan, waase daahir weli.

20. Suáal: Ka warran haddii biyaha nijaasi ku darsanto?

Jawaab: Haddii biyaha ay ku darsanto nijaas, waxaa loo kala qaadayaa labo nooc oo kala ah:

A. Biyo nijaasta gaadhay ay wax ka bedeshay muuqaalkooda, urtooda iyo dhadhankooda ama saddexdaa sifo midkood. Biyahaasi way nijaasoobayaan, lamana isticmaali karo.

B. Biyo aanay nijaasta gaadhay waxba ka beddelin midabkooda, urtooda iyo dhadhankooda toona. Biyahaasi waa daahir waan la isku daahirin karaa, xitaa iyagoo nijaasi ku dhacday.

21. Suáal: Haddii biyuhu isbeddelaan muuqaal ahaan, ama urtooda ama dhadhankoodu, laakiin isbeddelkaasi ka dhashay biyaha laftooda, sida raagitaan ama xayaabo ama midho (xayaabo waa midho ama caleen ka baxda biyaha raagay korkooda), xareedaad ma la isticmaali karaa biyahaas (Midho xareedaad waa cayayaan ku dhashay biyaha raaga?

Jawaab: Jawaabtu waa haa oo waa la isticmaali karaa, kol haddii biyahaas waxa beddelay aanay ahayn nijaas welina lagu sheegi karo biyo.

22. Suáal: Haddii biyaha ay dhexgalaan xoolaha la dhaqdo oo ay ku kaajaan sidaasna biyihii ku ajoobaan (Ajo waa biyaha ceelasha iyo balliyada oo isbeddela marka ay xooluhu dhexgalaan, kuna kaajaan) ma la isticmaali karaa biyahaas ajada ah?

Jawaab: Haa waa la isticmaali karaa, sababtoo ah kaadida xooluhu waa daahir, biyahana wax daahir ah oo beddelay ma nijaasayn karo.

23. Suáal: Biyaha badda ma lagu daahirsan karaa?

Jawaab: Haa, biyaha baddu waa daahir, waxna way daahirin karaan.

24. Suáal: Haddii biyo ay milix (cusbo) ku milantay lagu daahirsado ama lagu waysaysto ma saxbaa?

Jawaab: Haa, waxay la mid yihiin biyaha badda, biyaha badduna waa daahir, waana la isku daahirin karaa. Xadiiska Nebiga (SCW) ayaa sidaas caddeeyay.

25. Suáal: Biyo nijaasoobay haddii la safeeyo iyadoo la adeegsanayo qalab oo markaa laga saaro wixii wasakhda ahaa, biyahaasi ma noqonayaan daahir loo adeegsado cabitaan, cunitaan iyo waysaba?

Jawaab: Jawaabtu waa haa, haddii biyihii laga saaro wixii nijaasta ahaa oo urtii, iyo midabkii iyo dhadhankiiba biyo saafi ahi noqdaan, markaas waa loo isticmaali karaa si kasta.

La soco Kitaabka qaybihiisa kale oo ay ugu soo horeyn doonto qayb ka hadlaysa Weelka loo isticmaali kar isdaahirinta.

Kitaabkan oo aad ka dalban karto shabakadda www.somalibooks.org waxaa qoray: Maxamed Xirsi Guuleed (Cabdi-Bashiir)

 

  

 

pppppp