Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Waa maxay Stress maxaase keena?

Akhristow waxaynu dib u bilownay boggeennii caanka ahaa ee la magac baxay "WEYDII DHAKHTARKA", kaasi oo aan uga hadli jirnay barnaamijyada caafimaadka,  kaasi oo aan toddobaadkaan ku soo qaadanayno waraysi ku saabsan waxa loo yaqaan STRESS oo afka Soomaaliga ku noqonaya (cadaadis maskaxeed), kaasi oo inta badan Soomaalida ku nool qurbaha ay si weyn uga sheegtaan.
Dr. Cabdullaahi Warsame Afrax oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka howl-gasha Isbitaalka weyn ee Jaamacadda magaalada Linköping ee dalka Sweden ayaan waraysi kala yeelanay waxa uu yahay STRESS iyo weliba waxyeeladiisa ama haddii ay jirto faaiido uu baniáadamka  u leeyahay stress-ku, waraysigaasi oo u dhacay sidatan:
Suáal: Datoore si  cilmi ah  ma noogu sharraxi kartaa waxa uu yahay STRESS?
Dr. Warsame: Stress-ku wuu kala duwanyahay islamarkaasna siyaabo kala duwan ayuu u yimaadaa.  Dadku sida stresska ay u qaabilaanna wey kala duwantahay. Stressku waa qayb ka mida nolosha, wuxuuna na siiyaa firfircooni marka xaalad adagi ay na soo marto. Markii qofku uu rabo inuu waqti kooban ku sameeyo (qabto) waajibaad badan ayaa jirku isku diyaariyaan shaqadaas muhiimka ah isagoo jirku dhacaamo (hormones) jirka kicinaya uu sii deynayo. Taasina waxay muhiim u tahay qofka si uu uga dabaasho nolosha. Waana re-action caadi ah oo wanaagsan. Metalan haddii ay xaalad adagi sida cabsi oo kale ay na soo wajahdo waxaa siyaada (kordha ama bata)  garaaca wadnaha, cadaadiska dhigga ayaa kor u kaca waxaana badanaaya foojignaanta qofka si xaaladdaas jir iyo maskax ahaanba looga hortago (loo joojiyo).
Suáal: Stress-ka ma la oran karaa waxaa loo kala saari karaa dhinac fiican (posativ stress) iyo dhinac xun (negative stress)?
Dr. Warsame: Haddii waajibaadka/shaqada aan damacno inaan si dhaqso leh isaga dhameystirto stresska ayaa naga caawinaaya inuu na siiyo tamar. Stresskaasi haddii qiyaas uu ku socdo (jirka iyo maskaxdu si dhellitiran ay u wada shaqaynayaan) waa kan caadiga oo la oran karo stresska wanaagsan (postive stress). Haddiise qofku uu xukumi waayo stresskaas oo miisaanka wada shaqeynta jirka iyo maskaxdu ay meesha ka baxdo waxaa imaanaya stresska jirrooyinka keena waana kan lagu magacaabo stresska xun (negative stress).  
Suáal: Stress maxaa keena?
Dr. Warsame:  Waxaa streska keena qofka oo dusha iska saara ama cid kaleba ay dusha ka saarto wax uusan awood ahaan qaban karin... ha ahaato mid dhaqaale ama mid shaqo. Haddii arrintaas waqti dheer ay socotana waxay wax u dhimeysaa caafimaadka maskaxda iyo jirkaba.
Suáal: Maxaa lagu gartaa stersska xun (negative stress)
Dr. Warsame: Qofkii ku jirrada stresska waxaa astaamo u ah oo lagu gartaa, Matalan;  hurdada oo ku yaraata, concetarationka oo hoos u dhaca, daal badan, farxadda oo qofka ku yaraata, xasuus yari, nasaho laáan xagga jirka iyo maskaxda xitaa hadduu qofku uusan waxba qaban. Jirka uu qofku xannuun ka dareemo, mararka qaarna uu madax-xannuun uu ugu darsamo, xanaaq badan,  dulqaad laáan iwm.
Suáal:  Sidee qofku u yareyn karaa ama uga hortegi karaa Stress-ka xun?
Dr. Warsame: Haddii stress xun hayo qofka waxaa muhiim ah inuu isweydiiyo sababta keentay stresskaas dabeedna uu wax ka beddalo sababataas. Tusaale ahaan  haddii ay tahay xagga dhaqaalaha waa in qofku isku miisaamaa dakhliga soo gala iyo kharjka ka baxa oo qofku gartaa inuu wax aanu hayn maskaxda isaga mashquulin laakiin si macquul ah uu ugu dadaalo sidii duruufahaas uu uga bixi lahaaa asagoo ALLAH wakiilanaya. Haddii ay tahay xagga shaqadu waa inuu qabtaa intii awooddiisa ah isagoo la tashanaya shaqo-bixiyaha uu u shaqeeyo. Haddii stresku ku yimid dhibaato xagga qoyska waa in xal la raadiyaa. Waxaa muhiim ah in qofku la xirriro halka uu caawinaad ka heli karo. Waxaa stesska yareyn kara ku dhaqanka diintaada islaamka sida akhriska quráanka, in laga fogaado muqaadaraadka sida jaadka iwm. Waxaa sidoo kale yareeya stesska jirka oo la dhaqaajiyo sida jimicsiga, orodka  socodka iwm.
Suáal: Stress-ku sabab ma u noqon karaa in qofka ay ku dhacaan cudurro kale?
Dr. Warsame: Jirrooyinka uu stresku  keeni karo waxaa ka mida; Dhiig-karka, sokorawga (dhiigmacaanka), wadne-xannuunka, buufiska (niyadxumo), nabar coloosha iyo gastrik, mararka qaar waalli iyo caafimaad darro kale.
Suáal: Culeyska ama miisaanka qofka oo saaid ahi ma keeni karaa stress?
Dr. Warsame: Buurnaantu iyadaaba jirka ku ah stress. Waxaa cilmibaaritaan lagu ogaaday in qofka buurani uu ka stress badanyahay qofka miisaankiisu caadi yahay.
Waraysigii Dhakhtarka intaas ayaanu ku soo koobeynaa, hase yeeshee haddii ay jiraan suáalo ay akhristayaashi ka qabaan cadaadis-maskaxeedkaoo yaqana stress, waxa ay sii weydiin karaan Dhakhtarka, iyagoo suáalaha ku soo hagaajin kara www.somaanta@hotmail.com
Dhammaad
Waxaa Waraystay Tifaftiraha

pppppp