Kutubta kala ah: Caqiidada Islaamka & Isdaahirinta Muslinka oo afSoomaali ku qoran ka dalbo shabakadda www.somalibooks.org tel: 46 (0707880509 Stokcholm

On the occation of the 9th may victory of the II worldwar: no more world war. No more cold war, No more civil,  relious & ethnic war. No more regional war. No more war of Narcotics. No war of terriorism. No war of world stratigics, Oil & Gas, money for blood banks for control. Power for justification. No star war, no war for nothing. Stop war & understand. No more war at all I´ll be luckier in love from Amd. Handule-Moscow   


Dr. Cabdisalaam oo ka hadlaya caafimaadka Ilkaha, gaar ahaan Suuska.

Boggeenna Caafimaadka ee toddobaadkan waxaanu ku soo qaadaneynaa warbixin faahfaahsan oo Dr. Cabdisalaam Xuseen Cawaale uu kaga hadlayo guud ahaan cudurrada ku dhaca Afka, sida Ilkaha, Ciridka Dibnaha (farruuryaha), Daamanka & Suuska (Caries), isagoo Dhaqtarku mid mid u soo qaadan doona, balse toddobaadkan waxa uu si gaar ah inoogu sharrixayaa xannuunka loo yaqaan SUUSKA (Caries) ee ku dhaca ILKAHA.
Cudurka Suuska Ilkaha waxa uu ka mid yahay cudurrada dhibaatada weyn ku haya in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo aan helin talo caafimaad oo ku filan oo kaga timaada dhinaca Dhaqaatiirta takhasuska caafimaad leh, hase yeeshee maanta waxaanu nasiib u yeelannay in uu inoo faahfaahiyo Dr. Cabdisalaam Xuseen oo ku takhasusay caafimaadka Afka.
Inta aanan u guda gelin sharraxaadda cudurka Suuska iyo talooyinka Dhaqtarka, waxaanu marka hore si kooban u baraneynaa taariikh nololeedka iyo takhasuska Dhaqtarka.

Dr. Cabdisalaam Xuseen Cawaale waxa uu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Boorame ee gobolka Awdal, sanadkii 1976-kii, isagoo waxbarashadiisa caafimaadka ku soo qaatay Jaamacadda LUMHS ee magaalada Heydarabad ee dalka Bakistaan oo uu ka qalin-jebiyey sanadkii 2006.
Dr. Cabdisalaam waxa uu ku takhasusay caafimaadka afka, gaar ahaan Qalliinka Ilkaha iyo cudurrada la xiriira, wuxuuna iminka ku nool yahay dalka Sweden.
Shabakadda warbaahinta www. somaanta.com oo waraysi dheer oo ku saabsan guud ahaan caafimaadka Afka la yeelatay Dr. Cabdisalaam waxa ay qeybtaan idinkugu soo gudbineysaa faahfaahinta Dhaqtarka ee ku saabsan cudurka Suuska (Caries).

Suáal: Datoore maxaa keena cudurka Suuska?

Dr. Cabdisalaam: Waxa aynu u kala qaadaynaa dhawr xaaladood marka hore waxa keena Suuska ma aha hal arrin oo kaliya laakiin waa sida tan waxaana u sii qeexi doonnaa mid mid:
1. Bacteria( ama ili-ma-aragto ku nool afka gudihiisa oo ay caawinayso waxa loo yaqaan Huurada ama wasakhda oo aan laga cadayin ilkaha.
2. Tooth Wear ( Dillaac ku yimaada ilkaha si aan la arki karin oo laakiin u bannaan ama u furan in ay Bacteria-yadu si dhib yar u gali karto ilaa ay ka dhawaacayso gudaha iliga . haddab dillaaca ayaa u sii kala qaadma ama ay keentaa saddex shay oo kala ah:.
A- Erosion.
B- Atrision.
C- Abration.
Erosion: waa dhaawac ka soo gaadha iliga maaddooyin Chemical ah kuwaasi oo dhameeya oo jejebiya qaybihii adkaa ee iliga waxana ka mid ah chemicalkaa Acida, Daacada ka soo noqota afka marka cuntadu caloosha gaadho ee dheecaanadii dheef shiidayeen soo raacaan waxa ay inata badan dhaawac u gaysataa ilkaha, halkaana waxa ka muuqanaysa in dadka Gastritis ka ah ama Gaastariga qaba ay u nugulyihiin inta badan qaybtani aan ka sheekeynayno hadda waayo matagga faraha badan awgiis, waxa intaa sii raaca Acida la socota Cuntada aynu cunno ee ay ka mid yihiin Liinta, Coca, Soda iyo maaddada la yidhaa Khamriga ciddii cabta kollay innagu Muslin ayaan nahay laakiin xannuunkani aan ka sheekaynayno ayay ku jirtaa.
Atrision: Waa dhaawac la mid ah kii aan kor ku sheegaynay laakiin wax gaar ah ayaa keena midkana inkasta oo ay lammaane isku yihiin labadooda halkii midka hore ahaa Chemical midkani waa Mechanical waxana sababa: Jiriqsiga ama iliga sare oo kan ku beegan ee ka hooseeya xoqa inta badan waxan aragnaa dad ilkaha isku xoqa oo ka sanqadhiya taasina waxa ay keentaa in ilkii dabcaan markastana qaybi uga jabto si aan la dareemaynin iliggii markaa sidaa waa ku dhaawacmaa Bacteria- diina waa u furmaa si fudud ayaanu suusku u galaa. inta badan Suuska noocani ahi iligga Caaradiisa ayuu galaa.
Eosion: Waa Nooc la mid ah Atrisionka laakiin Waxa uu ka dhashaa midkani Xoqniinka badan ee ilkaha guudkooda sida adiga oo Brushka ama cadayga aad ugu xoqa ilkaha ama ku cadaya Dhuxul, Danbas iyo wixii iligga u gaysanaaya dhaawac oo dhan sida in la caadaysto in khasab ilkaha wax lagaga gooyo.
3. Trauma: Waa dhaawac wayn ee gaadha iligga kani waa mid muuqda sida Jabniin ku yimaada iligga, taasi oo uu iliggu u jabi karo siyaabo kala duwan Bacteria-diina u banaynaysa albaaka.
4. Calaamado ama ilko aan dhamaystirnayn markooda horeba ama ha ahaadaan hidde ahaan , ama xannuun. Intaas waa wixii keenaayay suuska inkastoo ay jiraan wax badan oo inoo hadhsan laakiin mihiimkii kaas weeyi.
Suáal: Sidee looga hortaa suuska?
Dr. Cabdisalaam: Ka hortagga ayaa ka wanaagsan daawaynta waxaa looga hortagi karaa: Caday ilkaha ugu yaraan maalintii saddex jeer, Habeenkii marka aad cuntada oo dhan dhamysato xataa caano ha cabin cadayga dabadii wixii kuugu danbeeyaa ha noqdaan cadayga iyo Biyo.Cadayo subaxdii sida caadiga ah,Cadayo galabtii Salaadda Casar ka bacadi. Ka ilaali ilkaha iyo Cirridka wixii waxyeelaya sida Findhicilka ilkaha lagu qodo,Ku cadayo daawada Ilkaha waxa ku jirta Maaddo faaíido u leh ilkaha oo loo yaqaan (Fluoride) taasi oo Quwad ama awood u yeesha ilkaha kana difaacda Bacteria-da dhalisa Suuska. Calasho Xanjada aan aadka u macaanayn waxa ay korsisaa Candhuufta oo difaac badan u ah afka. Cun Cuntooyinka ay ku badan tahay Proteins-ka haddii aad heli karto.

Suáal: Sidee loo daaweeyaa Xannuunka Suuska laftiisa marka uu yimaado:

Dr. Cabdisalaam: Sida aan hore u soo sheegnay ka hortagga ayaa ka wanaagsan daaweynta Suuska, laakiin haddii ay dhacdo marka hore u tag Dhakhtar lana tasho
hana dhayalsanin xannuunka iligga haddii kale halis ayuu geliyaa qaybo badan oo jidhka ka mid ah xannuuno badan ayuuna keenaa. Qaado talada & daawada uu ku siiyo Dhakhtarka. Ilaali ilkahaagu waa laxaad aanad ogayn hadda laakiin aad ogaan doonto marka aad waydo. Quruxda jidhka qofka qayb weyn ayay ka qaataan ilkaha qofku.
Intaas ayaan ku soo koobeynaa waraysigii Dr. Cabdisalaam ee ku saabsanaa waxa keena cudurka Suuska Ilkaha, sida looga hortegi karo & daaweyntiisaba, waxaana idiin soo gudbin doonnaa qeybo kale oo Dr. Cabdisalaam kaga hadlayo Caafimaadka guud ee Afka, sida Daamanka, Faruuryaha, Ciridka iwm.
Waxaa kale oo aan xasuusineynaa akhristayaasha bogga cafimaadka ee shabakadda www.somaanta.com inay wixii suáalo ah ee ku saabsan cudurka Suuska Ilkaha ay soo weydiin karaan Dr. Cabdisalaam oo uga jawaabi doona. Ku soo hagaajiya suáalihiina emailka: www. somaanta@hotmail.com 

 

pppppp